Reer Wardheer iyo Daud Diiriye Gaal

 

Ilaa iyo intii uu Daud soo galay siyaasada madoow ee ku amar kutaaglaysa dadka reer Ogadeenya waxaa laga dareemayay dadka reer wardheer walaac iyo walbahaar ay ka qabeen waxa uu daud kusoo kordhindoono taariikhada madow ee inta badan soo jirtay, markay u cadaatay inuu yahay nin aad ugu dhow tigreega xag diin iyo dhaqanba waxay u bixiyeen macagyo dhowr ah oo uu Fircoon ka mid ahaa, inkasta oo loo qarin jiray magacaas hadan wuu ogaa daauud, mar aan waxka waydiiyay dad kunoolaa wardheer xiligii magac loo bixiyay waxay ii sheegeen inay ku cabirayaan kibirkiisa kusalaysan caqli yarida iyo aqoon la,aanta.

Sida caadada aadanuhuba tahay dadka wada dhashay ee meel kuwada nool waxaa ka dhexeeyay loolan ku salaysan sad bursi iyo tartan aan nolosha la isu diidanay, daud loolanka noocan ah wuxuu u isticmaalay siyadiisii foosha xumeeyd wuxuu xabsiyada ku uruuriyay qofkii uu u arko inay jifadiisa is-hayan. hadaba  Intii uu madaxa ka ahaa deegaan waxaa reer doolo soo martay dhacdooyinkii ugu xumaa taariikhdooda marka laga eego tirada xabsiyada gashay, inta si xun loo jir dilay ee u dhimatay iyo inta silig lagu marjiyayba, dhacdooyinkii ugu xumaa een waligeed la iloobi doonin waxaa ka mid ahaa geeridii suldaan-ka oo daud oo ku qasbay inuu dhex gadhiisiyo laba ciidan dhexdood.

waxaa hubaal ah ah inay aad looga soo dhaweeyay wardheer dhabaqoodhinimada uu lumiyay daud aadna loogu farxay iyada oo loo arko inuu dhibkiisii intaas ku ekaandoono, lakin waxaan wada dhowraynaa halka uu Fircoon ku danbeeyo.

 

Wardheer Online