Taariikhda Baaritaanka shidaalka
Ogadenia & Khaliijkaba
Soo bixitaankii diinta Islaamka ka hor, waxaa gobolka Bariga dhexe ka
jiray labo quwadood oo isku herdin jiray sidey u maamuli lahaayeen
kheyraadka iyo shucuubta gobolka. Shucuubta gobolka ku noolna waxay la
kala safnaayeen labadaas quwadood. Haddaba labadan quwadood maxay
ahaayeen? Waxay kala ahaayeen, Boqortooyadii Ruum (Eastern Roman Empire
or Byzantine) iyo Boqorooyadii Furus (Sassanids).
Sidaan la soconaba boqortooyada reer Ruum waxay aaminsanaayeen
Masiixiyada (Christianity) meesha ay Furusiintu ka ahaayeen Majuusiin
caabuda dabka (Zoroastrian). Ishardanka labadan quwadood wuxuu ahaan
jiray wax joogto ah. Oo xita soo bixitaankii diinta Islaamka dhexdiisii
ayey labada quwadood mar ay isku dhaceen waxaa laga guuleeystay Ruum.
Arrintan Muslimiinta oo la jiray Ruumta laga adkaaday, oo ahayd EheluKitaab (People of Book), ayaa ka xumaaday; meesha ay Mushrikiintii
Qureesheed ee reer Makka jabka Ruumta Ehelu Kitaabka (People of Book)ah ay u riyaaqeen oo ay soo dhaweeyeen guusha Majuusiinta
(Zoroastrian). Haddaba EEBBE (SWT) oo sheegaya in Furus mar dhaw laga
guuleysan doono oo ayna faraxa Qureesheed meela gaarsiisneyn ayaa soo
dajiyey SUURADA QURAANKA ku jirtee SUURAT AL-RUUM (Suura #30).
Waxaa hadaba is weydiin mudan dabka ay reer Furus caabudi jireen ma
wuxuu ka yimid iyagoo la dhacay ama ka yaabay dabkii ka dhalanayey
xaabadii ay shidanayeenbaa, mise waxaa jira waxyaabo kale oo ku
qanciyey iney dabka caabudaan? Jawaabtu waxay tahay lama ayna dhicin
xaabada-dabkeedee waxay arki jireen dhulkooda meela ka mid ah oo iska
gubanaya ilaa awoow ka awoow, gu’ iyo jilaal. Waxayna haddaba fahmi
jirin waxa gubanaya inuu yahay gaaska la socda batroolka faraha badan
ee wadankooda ku jiray oo ka soo baxayey dildilaacyada ka dhasha, sidoo
kale, dhulgariirada faraha badan ee dhulkooda ka dhaca oo u dab
qabsaday (dabkaas oo ku yimaada sababa kala duwaan oo noqon kara qaar
dabiici ah iyo qaar dad-sabab ah).
Haddaba batroolku kuma ekeyn dhulkii Furus oo ku aadan dhulka maanta loo
yaqaan IRAN-IRAQ-KUWAIT e wuxuu ku baahsanyahay jiid (BELT) dheer oo kasoo bilaabanta Azerbajan-Iran-Iraq-Kuwait-Saudi
Arabia-Bahrain-Qatar-Emirates-Oman. Waxa ay dadka qaarkiis
aaminsanyihiin inuuba sii dhaafo Oman oo u gaarsiisanyahay xataa
Soomaaliya.
Batroolkan dhulka ka buuxay ee ay dadkii hore baahi ku kalifta iney la
soo baxaan iyo aqoon u horseeda iney ku ogaadan labadaba u waayeen
waxaa markii ugu horeysay la soo saaray 1908. Iyadoo laga soo saarey
meel ku taal wadanka Iran oo la yiraahdo MASJIDI-SULEIMAN
(Masjidi-Suleiman OilField). Waxaa ku xigay 1923 oo laga helay
Iraq magaalada ad maanta wararka ka maqashaan ee KIRKUK (Kirkuk Oil
Field), waxa kale oo laga helay 1931 gii wadanka yar ee Bahrain.
Haddaba Bahrain oo u dhaweeyd Sacuudi Carabia isbedelka dhaqaale
deg-dega ah ee ku dhacay markii u arkey Boqor Cabdulcasiis (Alle ha u
naxariiste) oo ahaa boqorka Sacuudi Carabiya oo markasta faqriga
boqortooyadiisa ka taagna u calool xanuun ba’an ku hayay, ku dhiiri
galisey inuu 1933 la saxeexdo shirkadii batroolka ka heshay Bahrain oo
barigaa magaceeada la oran jiray STANDARD OIL CO. OF CALIFORNIA
(maantana loo yaqaan CHEVRON) bal iney wadankiisa ka baarto batrool.
Shirkadan oo markey qoday lix ceel (Dammam 1, Dammam 2, Dammam 3,Dammam 4, Dammam 5 iyo Dammam 6) oo ay waxba ka weydey (i.e. qoditaanka
oo ay ku joojinayeen heerkii ay batroolka kaga heleen
Bahrain oo u dhaweyd tuulada Dammam) iyadoo rabtay iney ka alaabo
uruursato u nin Geologist ah oo la oran jiray Max Steineke u ka codsay
in bal hal ceel lagu khamaaro, oo bal laga yara dheereeyo meesha lagu
joojinayo qodida. Shirkadii ayaa iyadoo caga- jiidaysa xoola badan oo
kaga lumay ceelashaas hore iyo shaqaalahoo ku jabay kuleylka
(Summer) iyo qaboowga (Winter) ee saxaraha u ogolaatay in ceelkani
sheekada lagu soo xiro. Wuxuu Ilaahay (1937) qadaray inuu ceelkii
todobaad (Dammam 7) u ka wareego batrool fara badan. Kadibna kuwi kala
ee gaagaabnaa ayaa dib loogu soo noqday oo markii la dhaadheereeyey mid
waliba sidii si la'eg u batrool bad ah soo daayeey halkaas oo lagu
helay DAMMAM OIL FIELD oo ahaa kii ugu horeyey ee laga helo Sacuudi Carabiya. Sidoo kale waxa isla waayadaas laga helay batrool Kuwait
iyo Qatar. Waxaa kalo iyaan laga helay batrool Imaaradaha isu tagay (UAE) oo ay
ugu horeyso Abu dhabi.
Isbadalka dhaqaale ee u mudada gaaban batroolku ku sameeyey wadamadan
horey faqiirka u ahaan jiray ee Khaliijka ayaa waxay aad iyo aad uxiiso galisay nin madax ka ahaa wadan Afrikaan ah oo isagu kaga duwanaa
Afirkada kale ee gumeeysiga ku hoos jirtay inuu wadankiisu xornimo
haystay (marka laga reebo dhowrkii sano ee Talyaanigu haystey oo xitaa
barigaas ayIngriiska ku ahaayeen dowlad masaafuris ah), ninkaas oo ahaa
Xayle Selaase. Xayle Selaase wuxuu 1943 gii wasiirkiisii ganacsiga iyo
warshadaha oo la oran jiray Mr. Yilma Deressa oo sanadkaas u soo
ambabaxayey Mareykanka, si u uga qeyb
galo shir caalami ah oo cuntada, dhagta si hoos ahaana ugu sheegay
markuu shirku dhamaado bal inuu soo shukaamiyo shirkadaha batroolka ee
Mareykanka iney wadanka Ethiopia batrool ka baaraan. Mr. Deressa wuxuu,
markuu shirku dhamaaday, la xiriiray nin IMPORT & EXPORT lahaa oo u
horey u yaqaanay oo la oran jiray Mr. Marcel Wagner.
Ninkan oo Mr.Deresa ku xiray nin madax ka ahaa shirkada (Sinclair
Petroleum Co.) oo u Mr. Wagner xiriir ganacsi la lahaa oo magaciisa la
oran jiray Mr. Leland V. Stanford. Markey kulmeen labada nin, Mr.
Deressa aad iyo aad ayuu uga fajiciyey Mr. Stanford markuu u sheegay:
Inuu Ethiopia oo dhan (350, 000 sq. miles) gooni u ahaato (Concession
area) iyo 2)Inuu isagu (waa Mr. Stanford) gacantiisa ku soo qoro
heshiiska sidu rabo iyo sidu jeclaadaba oo ay Ethiopia bilaa hadal
qalinka ku duugi doonto.
Haddaba wuxuu Mr. Stanford la tashi ugu tagay ninka shirkadan loogu
magac daray oo ahaa Mr. Harry F. Sinclair (a board chairman of the
parent Sinclair Oil Corp.) wuxuuna u sheegay inuu maanta diyaarinayo
heshiis an hadda ka hor soo marin (i.e. arrin hal dhinac kaliya awoodiila siiyey). Heshiiskii ay Mr. Stanford iyo saaxiibadiis ay qoreen wuxuu
ahaa sidan:
a) In shan sano kadib ay Shirkada Sinclair iska wareejiso (50%)
xuquuqda ku kali ahaanshaha Ethiopia oo dhan,
b) Shan sano oo kale ka dibna ay wareejiso (25%) kale.
c) Waxayan Xayle Selaase (Royalty) u siin doonta 12.5% batroolka la soo
saaro shanta sano ee hore taasi oo u kordhi doonta ilaa 15% shan iyo
tobanka sano ee Wixii intaas ka dambeeyana in heshiiska dib loo fiiriyo
(Amend) gareyo.
Waxaana Xayle Selaase (Royalty) loo siin doonaa batrool ahaan ama lacag
ahaan marba siduu isagu dalbado.
Waxa kale oo ay shirkadu dhisi doontaa meel lagu sifeeyo batroolka
(Refinery), Ethiopian,
Waxa kale oo ay shirkadu tababaro la xiriira (Oil Industry) u fidin
doonta dadka wadanka (N.B. dadka Ethiopia oo barigii Xayle Selaase la
mid ahaa Axmaarada!)
Sidaasna waxaa ku bilowdey shaqada shirkada Wardheer agagaarkeeda 1950
yadii batroolka ka baari jirtay ee la yiraahdo Sinclair Oil Co.,dadkeenuna ay u yaqaanaan SINGALEYDHKII.
Haddaba in kastoo anan dadkeena heshiiyadan laga qeyb galin lana
war gelin, haddana dadku ma dhaga-xirneyn. Waxayna reer Wardheer 1948
(January) weerar dhagax tuur ah ku soo qaadeen shirkadii, iyagoo leh
nadhaafa, waxayna arrintaas ku soo beegantay shirkadoo markaas
rabtay iney qodato ceel biyo. Waxaana nin barigaas dhalinyaro ahaa u ii
sheegay in shaqaalihii shirkadu ay carareen oo ay ku carareen ninkiiIngiriiska ahaa ee madaxa ka ahaa Wardheer. Waxaana dadkii ku qamaamay
shaqaalaha magacooda ku hadlay Rafle Guuleed (Alle ha u naxariiste) Rafle
wuxuu ku yiri
ninkii Ingriiska ahaa “They are cutting our fruit trees”). Weerarkaas
dartiis, shirkadu Wardheer kuma ayna soo noqon ilaa bishii October ee
sanadkaas taasi oo ahayd markey dawlda Xayle Sellaase xooga ku yeelatay
deegaanka.
Waxaa sidaan hubo Xayle iyo la taliyaashiisi yaab ku noqotay sababta ay
shirkadii la siiyey Ethiopiada balaaran u dooratay meeshaboqortooyadiisa ugu cirifeysa ee ay isaga nacday dhulkii Ethiopia da
rasmiga ahaa. Sababtan waxay jawaabteedu tahay in Ethiopia inteeda
badan marka laga reebo Ogaden Region, Gambela iyo meelo yar yar sida
agagaarka Abay (Blue Nile) iyo in yar oo Mekelle agteeda ah u dhulka
badankiisa qariyey dhagax shiileed (Igneous Rock) kaas oo an laga
helin batroolka.
Markey hawshii guda galeen, waxaa nimankii Sinclair Geologist ka
ahaa ay kaga go’day in duud (hill) yar oo Cagaar-Weyne
agtiisa ah (oo loo yaqaan Gumbur….) ay ceelkii u horeyey ka qodaan.
Waxaana xafladii furitaanka (May, 1949) ka soo qeyb galay Xayle
Sellaase oo ugu magac daray ceelka Gumburo 1. Ceelkan waxaa la
gaarsiiyey dheerarkiisa "10126 ft", waxna waa laga waayey. Waxa markaa
la bilaabay ceel kale oo laga qoday (1955) Galaadi agteeda oo loo
bixiyey Galadi 1 waxaana la qoday ilaa “9086 ft”. Ceelkan ayaa isagana
waxba laga waayey.
Markan ayey shirkadu go’aansatay in intey qodi lahayd ceelal dhaadheer
oo batrool laga baaro bal iney marka hore u wareegto ceelal gaagaaban
oo lagu darso qaabka dhulka oo anan fikrad fiican laga haysanin.
Waxayna qoday ceelal gaagaaban oo farabadan. Ugu dambeyntiina waxay
Shirkadani xuduud beenaada ka talowday markey Somalia xornimada
qaadatay iyadoo xagaasna ka qoday ceelal dhowr ah. Shirkadan inkastoo
ayna batrool helin haddana faa’idooyinkii laga dhaxlay waxaa ka mid ah:
1)Iney dhalinyaro yaryar oo reer Wardheer ah ka barteen sida RIIGAGA
loogu shaqeeyo. Inaad xusuusataan mooye waxaa jirijiray dad badan
oo reer Wardheer ah oo u shaqeeyn jiray Wakaalada Biyaha ee Ethiopia,
kuwano badankoodu ay wax ka barteen Shirkadaas Sinclair.
2)Waxa kale oo Buug Qalinjabineed PhD (Dissertation) ka qoray nin kamid
ahaa shaqaalihii Mareykanka ahaa ee shirkada oo darsay Wardheer
agagaarkeeda ( Clift, William Orrin, 1956, Sedimentary History of
Ogaden District, Ethiopia, PhD Dissertation, Columbia Univesrsity).
3)Waxa kale oo ay noqdeen daraasaadkii iyo ceelashii ay qoday shirkadu
aasaas ayraad-raacaan baaritaanadii ka dambeeyey.
Waxaa laga yaabaa haddaba inaad is weydiiso meesha ay maanta ka baxday
Shirkadaas (Sinclair Oil Co.) iyo waxaad u maqli weydey shirkadaas
maanta, inkastoo ay shirkad yar oo kale dhawaan isku magacowday?
Jawaabta su’aashani waxay tahay, Shirkadani (waa Sinclair tii
wadankeena tagtay) waxay ku biirtay mar hore Shirkada la yiraahdo
ARCO Oil Co. oo maanta ka mid ah shirkadaha meel dhexaadka ah ee
aduunka batroolka ka baadha.
Haddaba shirkada Sinclair waxay baaritaanka ka bilowday meel an horey
fikrad looga haysanin. Marka laga reebo waxogaa yar oo “Surface Geology
Study” ah oo ay sameeyeyn niman Talyaani ah oo ay ka mid ahaayeen Mr.Barbieri iyo Mr. Merla wax fikrad hore oo gobolka laga haystay ma
jirin. Ceelkii ay cagaarweyne agtiisa ka qoday ee la oran jiray
Gumburo-1 ayaana ahaa ceelkii ugu horeeyey ee laga qodo geeska Afrika.
Daraasaad kii ka dambeeyey ee lagu sameeyey wadankana waxaa saldhig ay
ka duulaan u ahaa REPORT ay ka tagtay Sinclair Oil Company.
Shirkadihii Sinclair ka dambeeyey waxogaa iyada wey ka nasiib badnaayeen
oo ugu yaraan waxay haysteen meel ay wax ka bilaabaan. Waxaana
shirkadahan ka mid ahaa shirkad Jarmal (West Germany)ah oo la
oran jiray “Elwerath”, sanadkii 1959. Shirkadani waxay raad raacday
wixii wadanka macluumaad laga hayay, waxa kale oo ay sameeysay
“Aerial photographic survey” taasi oo ah iney diyaarad korkeed ka qaado
sawirka dhulka si loo fiiriyo qaabka dhulka iyo kala
duduwanaanshihiisa.
Waxa kale oo ay sameeysay iney dhulkii ay sawirada diyaaraduhu umuujiyeen “Most likely areas” ay ku sameeyso waxa loo yaqaan “SEISMIC
SURVEYING”.
Haddaba, Waa maxay Seismic Surveying? Inta anan su’aashan ka jawaabin
bal aynu dhulkeeni u noqono oo aynu fiirino raadadka ay shirkadaha
batroolku kaga tagi jireen midkooda ugu caansan.
Raadka ugu caansan ayaa wuxu yahay iney shirkadaha batroolku sameeyaan
wadooyin toos-toosan oo dhaadheer oo dadkeenu ay u yaqaanaan “WadoKumbani (company)”. Wadooyinkan oo toos ah sidoo kalena anan laga
leexin buur, laag, qar iyo qaw toona midey ku soo hagaagaan ayaa ah
wadooyin ay kambaniyaashu ku sameeayaan “Seismic Survey”. Hadaba
kambaniyaashu waxay wadooyinkaas iyago cabiro go’an isu jirsiinaya ku sameeyaan
qaraxyo ay ku qarxiyaan (waagii hore) ama baabuur la yiraahdo VIBROSEIS oo ay ku
garaacaan dhulka (waayadan dambe) iyagoo dhulka ku dhalinaya Hirar (waves)
kuwaaso markey dhulka galaan lakabyada dhulka ee kala duwan ay soo celiyaan
(Reflection) kadibna laga fiiriyo hirarkaas soo noqday qaabka dhulka an la arki
kareyn ee hoosteena ah. Run ahaantii sida ugu fiican ee wax kaaga qarsoon dhulka
hoostiisa lagu ogaan karo waa adigoo Majarafad (badeel) qaata oo qoda, kadibna
intaad mid idinka mid ah xadhig ku xirtaan mitirna (measuring-tape)u dhiibtaan
yiraahda, war hebelow carada (ama dhagaxa cadi) intee ayuu ku joogaa maxaase ka
hooseeya? Dhulku miyuu dil-dilaacsan yahay?.......iwm. Habkani waa ka ugu saxsan
ee uguna fiican, balse waa waxaan maanagal ahayn caqli ahaan iyo dhaqaale
ahaanba (not feasible). Hadaba waxaa arrintaas an macquulka ahayn laga door
bidaa, wax dhaqaale ahaan jaban, tabar ahaana macquul ah sidaas si la egna
wakhti ahaana degdeg ah.
Waxaana shuruudahaas oo dhan wax kulmista ugu dhow wakhtigan
xaadirka ah “Seismic Survey” Seismic Surveying wuxuu kuula muuqan karaa
wax cajiib ah oo ka mid ah mucjisooyinka casrigu keenay, balse ILAAHAY
awoodisa iyo kartidiisa, waxaa jira xayaawaano kumaankun sanadood ka
hor u EEBBE awood u eg (kana hufan) tan aynu maanta la rafanayno u
siiyay. Waxaaan ka mid ah FIID-MEERTA. Fiid-meertu waxay dhex socotaa
godod (Caves) madmadoow iyadoona marna gidaarka ku dhicin.
Waxayna adeegsataa hirar (waves) ay dirto oo markey darbiga ku dhacaan
kana soo noqdaan ay ka qiyas qaadato intuu u jiro darbigu. Haddaba
haddii inna fiid-meerta la afgaran lahaa waxaa laga heli lahaa
gidaarada godkaasa madow “MAP” kooda oo sax ah, kaaso laga yaabo inuu
anfici lahaa dadka darsa Speleology-ga.
Hadaan u soo noqono shirkadi Elwerath hawlaheedu waxay u
badnaayeen Seismic Surveying, oo waxay intii u dhaxeeysay sanadkii 1961
iyo 1963 sameeysey SURVEY dherarkiisu yahay "1,925 line-km". Shirkadani
kuma aynan ekeyn Surveying ee waxay qoday labo ceel oo kala ahaa
“Abred-1” oo dheerarkiisu u aha "3,104m" ayna qoday 1963 iyo “Bokh-1”
oo dheerarkiisu u ahaa "3,061m" oo ay qoday 1965. Sanadadii 1965-1966
waxay sameeysay Seismic Survey dhan "1,963 line-km".
Waxa hadaba shirkadan ka dambeeysay shirkada wadankeena caanka ka
noqotay ee la yiraahdo TENNECO OIL CO. Shirkadani waxay LICENCE heshay
1969. Waxay daraasad la xiriira sida kuwii hore oo kale ah ku sameeysay
dhulka. Waxayna kadib qoday sanadadii 1972 iyo 1973 saddex ceel oo kala
ahaa “El Koran-1” oo dheerarkiisu ahaa "3,189m"; “El Koran-2” oo
dheerarkiisu ahaa "2,015m"; iyo “Calub-1” oo dheerarkiisu ahaa
"3,685m". Waxa Gas (Hydrate) laga helay ceelkii Calub-1 (i.e. Jeexdin).
Waxa sidaas oo kale Gaas iyo Batrool lagu arkey labada ceel ee El
Koran-1 iyo El Koran-2 (waxaan filayaa magacu waa ceel quraan).
Shirkada oo ay niyadu u dhisantay iyo iyadoo u wakhtigu ku soo hagagay
cunaqabatyntii bariga dhexe ee batroolka ayaa waxay qoday sanadadii
1973-1974 u dhexeeysay shan ceel. Ceelashaas oo kala ahaa “Magan-1 oo
gaaray "3,575m", "Callafo-1 (Qalaafo)" oo gaaray "3,242m", "Bodle-1" oo
gaaray "3,911m", "Gherbi-1" oo gaaray "1, 976m" iyo "Hilala-1" oo
gaaray "4,116m". Shanta ceel ee an soo sheganay waxaa batrool iyo gaas
la taaban karo lagu arkey ceelkan ugu dambeeya ee "Hilala-1".
Waxa hadaba haboon in laga waramo markey batroolka wadankeena ka
baaraysay Tenneco Oil Co.,xaalada uaduunku ku sugnaa.
Qiimaha foostada batroolka ee maalmahan maraysa ilaa $40, ayaana
qiimaheedu usan waligiiba sidaas ahan jirine u aad iyo aad uga
hooseeyey. Matalan, inta u dhaxeysay 1961 iyo 1970 celceliksa
(average)qiimaha foostada batroolku wuxu ahaa $1.8 (i.e. xataa ma
gaadhi jirin laba doolar).
Iyadoo haddaba ay xaaladu sidas tahay, ayaa waxaa dhacay dagaalkii
Carabta iyo Israel 1973. Dagaalkan daraadiis ayuu Boqorkii Sacuudi
Carabiya ee Boqor Faysal (ALLE ha u naxariiste) u Batroolkii Carabta ka
dhigay hub u kula dagaalamo wadamada reer galbeedka oo iyagu si toos ah
ula jiray Israel (waxaana ugu darnaa la jirida labada dal ee kala ah
Mareykana iyo Holland). Arrintan cuna qabateyntu waxay reer galbeedka
ku noqotay waxaan la filayn meeshana la soo dhigan, waxaana uga sii
darnaa iyagoona barigaas reer galbeedku ana haysan keydka ay bilaabeen
barigaas wixii ka dambeeyey iney isku ilaaliyaan ee ay u bixiyeen
“Strategic Reserve”.
Haddaba markii u dagaalkii dhamaaday ayaa batroolkii u ka soo
noqonwaayey $20 iyo waxa ka sareeya. Waxaana dhacday Carabta oo
anan wax nafle ka heli jirin batroolkooda hadda ka hor ayaa lacag helay
wadankoodiina u noqday qani loo soo shaqo tago (waana meesha ay
Janaalenimadu ka bilaabatay).
Dhinaca kale wadanka Ethiopia oo an aniga iyo qaar kale oo inaga
tirsaniba aynu ku nooleyn waxaad xusuusataan iyadoo “JIIFKA WAX LAGUCUNO ayaa LA SOO FADH-FADHIISTAY” (i.e. waxbaa is badalay). Waxaan
xasuusataa Xayle Selaase oo ku dadaali jiray iney dadku sida lo’da wax
u cunaan oo aynan fikirin (i.e. meceeshad an waligeed is badaleyn iyo
lacag an dhaceyn), ayey arrinta batroolku wareer ku keentay. Isagoo
dhibaatooyinkiisu ay badnaayeen, sida abaarihii Wallo, qoyskiisa oo
isku haystey dhaxalka xukunka (markuu dhinto) iyo isagoo meel u waxogaa
ijaar ah ka qaadan jiray oo la oran jiray KAGNEW (wuxu ahaa saldhig u
Mareykanu ku lahaa Asmara) u Mareykanku kaga kaaftoomay DAYAX-GACMEEDYADA
ciidamada iskagana guuray, ayay arrintani batroolka qaaliyoobay Xayle
Sellaase dabada iska raacisey oo ay hilfaha u sii tuurtey.
Sandadkan 1973 ee cunaqabateynata waxaa ku soo qamaamey deegaankeena
shirkado badan kuwaas oo kala qeyb-qeybsaday. Shirkadahaas waxaa ka mid
ahaa, Whitestone Petroleum Co., Voyager group (Voyager Petroleum Ltd.,
Polar Bear Petroleum Ltd., Houston Oil Ltd., iyo Cardinal Petroleum
Co.). Shirkadahan wax ceelal ah ma ayna qodin.
Intii u Mengistu wadanka ka talinayey, ayaa 1979 wuxuu la saxeexday
shirkad Ruush ah (USSR) heshis. Heshiiskan ayaa wuxuu asaas u ahaa
sameynta shirkad loo bixiyey Soviet Petroleum Exploration Expedition
(SPEE). Waxaana shirkadan ay yoolka saartey iney baaritaankeeda ka
sameeyso inta udhaxeysa “Shilaabo iyo Hilala”. Markey sameysay dib ugu
noqosho macluumaadkii hore iyo baaritaan hor leh, ayey go’aansatay iney
qodo afar ceel oo kala ah: "Shillabo-1 (2,900m)", "Hilala-2 (2,400m)","Hilala-3 (1,760m)" iyo "South Calub-1 (1,700m)".
Marka laga reebo ceelka South Calub-1, saddexda ceel ee kale waxaa lagu
arkey gaas iyo batrool. Hadaba waxay shirkadu qoday shan ceel oo kale:"Faf-1 (3,446m)", "Magan-2 (4,306m)", "Calub-2 (3,732m)", "Calub-3
(3,690m)" iyo "Tulli-1 (4,010m)". Ceelka Calub-2 ayaa wuxuu xaqiijiyay
gaaskii ay TENNECO ku aragtay Calub-1 kii ay qoday. Tani oo ka dhigtay
waxaan shaki ku jirin gaaska Calub (Jeexdin) ku jira inuu yahay mid la
suuqgeeyn karo. Wixii intaas ka dambeysay waxay shirkadii Ruushku
(SPEE) qoday lix ceel (Calub-4 ilaa Calub-10). Haddaba inkastoo
ay Ruushku wax qodayeen, hadana waxay hawshoodu ahayd “Qowda maqashii
Waxna ha u qaban”. Wiil Axmaar ah oo la yar shaqeeyay barigaas
ayaa wuxuu cadeeyey sida ay Ruushku uga soo horjeedeen in ETHIOPIA
gaaskeeda la soo saaro ee ay lugta u jiidayeen.
Waxa kale oo u sheegay siduu Mengistu dhareerka u daadinayey ee xitaa
intuu ceelash kor yimid u ugu fooldhaqday (Gas Hydrates), dabadeedna
intuu Kenya tagay u jaaliyada Ethiopia ee xagaas joogtay u hunguriga
uga soo riday. Sandakii 1990, waxaa heshiisyo ay dawladii sii dhacaysay
ee Mengistu la gashay labo shirkadood oo kala ah Maxus Energy iyo
Hunt Oil Co. (oo ahayd tii Yemen ka heshay batroolka). Waxaana ay Hunt
Oil Co. qoday 1995 hal ceel Genale-1 oo ay waxba kaweyday.
Gabagabdii, waxaa hubaal noqotay inuu wadankeena ku jiro Gas and Gas-
Hydrate. Waxa kale oo ah arrin aad iyo aad loogu farxo inuu mustaqbalkagaasku u badali doono batroolka sababo la xiriira bay’ada isagoo ah
“environment friendly” iyo kuwa kale oo la xiriira isagoo ah
“FEEDSTOCK” asaasiga ah ee warshadaha PETROCHEMICALS sameeya.
Sababahaas ayaa INSHA ALAAHU ka dhigi doona wadankeena mustaqbalka meel
MAGNET ah, sidoo kalena Shilaabo iyo agagaaraheeda u soo wareejindoonta
THE CENTER OF GRAVITY. Balse waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo, oo
muxuu tari mar haddii u dhulkiiba Gumeysi ku hoos jiro? Waxaan
oran lahaa inteyna fikradaasi kugu soo dhicin, waxaad xusuusataa inaan
Naxariista EEBBE laga quusan. Sabatoo ah, meel adan ka fileyn, si adan
u filayn, iyo mar adanbafileyn ayuu arrimaha adoomadiisa EEBBE
u sahlaa.Mustaqbalka INSHA ALLAAHU waxaa dhici karta ineynu
inagoo xor ah si xor ah aynu heshiisyo la saxeexano shirkadaha
batroolka baadha ee ugu waaweeyn aduunka eeloo yaqaan THE
SEVEN SISTERS (CHEVRON, EXXON,TEXACO, BP, SHELL.....iwm.)midkood.
Hadii aad rabto inaad wax ka tidhaahdo qoraalkan fadlan la soo xiriir
maamulka Wardher Online
webmaster@wardher.com
Waxaa soo diyaariyey
Xasaneyn