Ugaas C/llaahi wuxuu ku dhashay Shilaabo xilli ku
aadan 1918kii. Wuxuu
Aabihii geeriyooday isagoo ah 19 jir markaas oo loo caleemo saaray xilkii
Aabihii beesha u hayay.
Ugaasku ma ahayn hogaamiye beeleed oo kaliya ee wuxuu ahaa mid ka qayb qaatay
marxalad kasta oo ummadda Oaadeeniya horumarkeeda iyo aayo ka talinteeda lagu
raadinayo. wuxuu la jaan qaaday dhaq-dhaqaaqii SYL ee lagu raadinayay xornimada
Somaali wayn, kana ahaa xubin aad fir-fircoon, kana mid ahaa gudi loo qoondeeyay
in ay dhaqaalaha ka guraan Ogaadeeniya gaar ahaan aaga Shilaabo, Qalaafo iyo
nawaaxigooda
Waxaa gudigaa ku jiray sida ilo xogogaal noo shegeeen alaha u naxariistee
"Maxamed Xaaji Axmed C/lle Xasan" shir sanadeedka xamar ayay ka qayb gali
jireen iyagoo wada dhqaalihii ay soo aruuriyeen. Markii labadii Gobol ee
Waqooyi Koonfur xoroobeen waxaa lagama maarmaan noqotay in la sameeyo urur u
gooni ah Somaalida Ogaadeeniya una horseeda xornimo taam ah. Markaa waxaa la
aasaasay ONLF muddo yar ka dib waxaa bedelay Xisbigii Nasrulaah labadabana
marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii tiirarka u ahaa.
Billowgii lixdameeyadii iyo horaantii todobaatameeyadii wuxuu marxuumku fadhiyi
jiray maxkamadii Qabridahare ee loo yaqaanay "firdi bete" una qaabishanaa
arimahaha
Soomaalida" laakiin xaqiiqda dhabta ah wuxuu ahaa Gobonimo doon gumaysiga
caloosha u fadhiya.
Waxaa jiray nin dhalinyaaro ah oo gacan yare u ahaa lana sheegay in xafiiskaa
mushaar looga qoray oo Ugaaska iyo in yar oo halgamayaashii Qabridahare ka mid
ahi ay ogaayeen arintiisa.
Horaantii 1976kii ayaa Ugaaska iyo cuqaal kale oo gudaha kala halgamayasay
warqad ka heleen hogaankii WSLF ee Xamar fadhiyay una sheegeen inay xiligan ku
haboontahay inay ka baxaan magaalooyinka ooy duurka galaan ama Somaaliya
yimaadaan.
Hase yeeshee wuxuu go'aansaday inuu duurka galo kuna sugo ciidamadii WSLF soo
galidoodii.
Waxay dadka reer Ogaadeeniya ee yaqaanay ku tilmaamaan inuu ahaa nin karaamaysan
oo awliyo ah, qaar badana meelo fog-fog ooga iman jireen si ay ooga ducaystaan.
Ugaasku wuxuu walaac badan ka muujiyay soo galidii Wayaanaha iyo kala
daadsanaantii shacabka ee xilligii kaka guurka, balse wuxuu ku diirsaday
kacdoonkii JWXO isla markiina uu shacabkii ku booriyay inay soo dhaweyaa
kacdoonka kana qaybqaataan.
Dhacdooyinka dhexmaray isaga iyo Wayaanaha ee la xasuusto waxaaka mid ahayd
Bishii OCT 1991kii ayaa waxay Wayaanuhu shir u qabteen dadwaynihii ku noolaa
magaalada Shilaabo iyagoo ku baaqay in uusan shirka wax urur ah ka soo qaybgali
karin, iyagoo ujeedadoodu tahay inay fogoraan JWXO oo xafiiskoodu ka furnaa
magaalada. Ka dib markii shirkii la'isugu yimid yay Wayaanihii dheheen anagu ma
anaan casumin urur waxaana noo muuqda rag urur ka tirsan ee intaanaan dhagta soo
qabanin ha'is gartaan oo shirka ha ka baxaan. Ugaas Cabdullaahi allaha u
naxariistee intuu istaagay oo wiilkii turjubaanka ahaa gacanta ku fiiqay oo uu
kalmadahan adeegsaday, wuxuu yidhi "Waryaa waxaan ku dhaho u sheeg nimankan
Buju buju leh, waxaad ku dhahdaa dadkan aad kala qayb qaybinaysaan waa isku mid
anaana wada xukuma waana wada urur ee hadii meeshaad ka timaadeen aad wax wax
garanhaya kaga timaadeen noogu yeedha aan wada hadalee idinka idin
afgaranmayno'e" iyo wuxuu isku xijiyay dadkii oo uu istaajiyo waydiiyana
su'aashan war yaa idin xukuma? markaasey ku jawaabeen Ugaas adiga. wuxuu
yidhi dareera, wayna dareereen, sidaasuuna, shirkii ku burburay
Wax yar ka dib imaanshahoodii Wayaanaha iyo Marxuumku way isku dhaceen,
waayo waxay ka filayeen wada shaqayn isna si cad buu oogu sheegay inuusan la
shaqayn doonin. Taasi waxay keentay in Ugaaska xabsiga loo taxaabo sanadkii
1994kii,
muddana uu ku xidhnaa Shilaabo, hase yeeshee ilaahayga wayn gacatooda waa
ka soo daayay.
Allaha u naxariistee wuxuu jeclaa inuu arko Soomaalida Ogaadeenya oo waa xornimo
u baryay laakiin alla ma qadarin, waxaanse ilaahay ka baryaynaa inay ubadkiisu
nasiib u yeeshaan xornimo taam ah.