XALRAADINTA GUURTIDA OGADENYA  IYO XEELADAHA MALASE

Rabbiga ina ahaysiiyey baa mahadleh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa.

Wada hadaladii Itoobiya iyo Ogadenya 1887.....2005

Itoobiya:- Wadankan anagaa iska leh  idinkana anagaa idiin talin;Qoryaha soo xareeya is diiwaangeliya

shacabka:-Ka bax wadankayaga  faraha naga qaad;Afti dadka ha laga qaado hana loo ogolaado in ay aayahooda ka tashadaan.

Itoobiya:-  Diiday;Way inoo tahay

shacabka:-Hayeh waad na barandoontaa;Dhedigaataye dhiig ma kaayimid.........

Waxaan jeclahay in aan wax ka bayaamiyo dhaqdhaqaaqii odayadu maalhamahan ku jireen oo dareenka dadka aad u soo jiitay isla markaana aad looga hadal yahay gudaha iyo dibada wadankaba,hadaba waxaa jirta in wadahadaladan oo ay wadeen oday dhaqameedyo u dhashay wadanka Ogaadeenya iyo garabka kale oo ah madaxda dawlada Itoobiya

Hadaba labadan dhinac oo midna ka dacwoonaya yahay midka kalena yahay ka laga dacwoon loona dacwoon ayaa waxa aan isku deyi inaan wax yar ka sheego.

Inta aanan hoos u deginse bal wax yar aan idhaahdo, wadanka Ogaadeenya oo ka kooban sagaal gobol oo kala ah Jigjia, Liibaan, Godey Dhagaxbuur,Shiniile, Nogob, Doollo, Afdheer iyo Qoraxay ayaa ka sokow dhibaatada gumaysi ee wada saaran hadana waxaa ay dadka degan goboladu qabaan dhibaatooyin u gaar ah oo kala duwan taasi oo gobol walba dadka dega gaarkii geed ugu xidhatay.

Tusaale ahaan gobolada qaar waxaa ka socda dhulbalaadhsi wayn oo ay wadaan Itoobiyaanku taasi oo lagu barakicinayo dadka deegaanka xaqa u leh tusaale ahaan gobolka Shiniile, Jigjiga iyo Liibaan oo ay fara ba'an ku hayaan Itoobiyaanku sida Oromada iyo Axmaaradu IWM iyo weliba gobolka Jigjiga oo ay hada badhtamihiisa isku hayaan Oromada iyo Soomaalidu kuna doodayaan lahaanshiisa.

Arinta dhulbalaadhsiga ee ay Itoobiyaaku wadaan ayaa dhalisay in dadku is xasuusnaadaan oo aysan iloobin danaha guud ee ka dhexeeya dadka wadanka Ogaadeenya, waayo waxaa u cadaatay in tafaraaruqu uusan midho dhalin isla markaana ninkii ku hodma in Itoobiyaaku uga wanaagsan yihiin walaalkiisa soomaaliga ahi uu wax kale iska daaye deegaanka guriga uu ka degan yahay lagu sheegandoono dhawaaan sida ka dhacday Diri dhaba oo ku taala shiniille iyo meelo badan oo ka mid ah gobolka Liibaan sida Mooyaale iyo Nageele iyo magaalooyin la mid ah.

Waxa kale oo iyaduna jirta dhibaatooyin kale oo ay qabaan gobolada qaar sida in dadk aay ciidamada Itoobiya laayaan xidhaan ama dhibaatooyin kale u gaystaaan iyada oo lagu eedaynayo ONLF ayaad tihiin, tani waxay saamaysaa dhamaan gobolada oo dhan balse waxaa ugu badan gobolada aan soo sheegnay mooyee kuwa soo hadhay, balse goboladani ka sakow dhimashada joogtada ah ma jiraan is haysi dhuleed oo ka dhex taagan soomalida wadanka iyo Itooobiyaanka.

Hadaba iyada oo ay dhibaatada wadanka ka jirtaa tahay midda guud iyo taasi gaar ahaaneed ee ay shacabku qabaan ayaa waxaa dhawaan qabanqaabiyey odayaal ka mid ah bulshada Ogaadeenya oo ka yimid lix gobol oo ka mid ah wadanka Ogaadeenya, ..........wada hadal iyo kulamo ay la galeen rag sarsare oo ka mid ah xukuumada Malas Sanaawi ayaa wax ay markii danbe si fool ka fool ah isku arkeen Malas Sanaawi isla markaana ay odayadu usoo bandhigeen xaalada wadanku ku sugan yahay iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatada jirta oo ay iyadna fikirkooda ka dhiibteen.

Hadaba kadib markii Malas Sanawi arkay raggani waxa ay doonayaa iyo ujeedadoodu waxa ay ahayd ayaa isku dayay dhowr talaabo oo uu uga gol lahaa sidii uu ugu yaraan u fashilin lahaa ama u heli lahaa garab kale oo ka mid ah dadka odayadani matalaan si uu ugu doodo in dadkani is haystaan, isla markaana aysan matalin odayadani dadka wadanka oo dhan uguna sameeyo arintii odayadu ka rebeen mid ku salaysan fikir qabiil iyo sad is dheeraysi balse aysan ahayn qadiyad.

Malas waxaa uu maalintii uu odayada la kulmayba bixiyey amar ah in dadka qabiil ahaan loo akhriyo isla markaana la raadiyo qabiil walba cid matasha!

Kadib markii la keenay qabaail soomaliyeed oo badan ayaa waxa uu midba u sheegay in qolada kale tashatay oo ay ku tashadeen in ay xidhiidh hoose oo fican la yeeshaan xukuumada Malas Sanaawi, isla markaana uu waydiinayo wixi kala quman maadaama qolada kale ay iyaga khaaimayaan, isaguna iyaga u danaynayo oo uu damcay bal in uu ogaysiiyo sidii ay uga gaashaaman lahaayeen.

Waxa kale oo iyadana Malas u sheegay in ay odayada beel behel ay sheegteen in ay iygu yihiin beesha keli ah ee wadanka degan idinka oo noolna la idin qariyey ee maxaad ka yeelaysaan arintaasi?

Nasiib darro dhamaan kulamadaas ayaa waxa ay duqaydii ka qayb qaadatay caddeeyeen in dhamaan ay isku ujeedo ahaayeen lana socdaan odayadu hadafka ay lahaayeen kuna raacsanaayeen.

Hadaba arimahaas iyo kuwo badan oo asalka dhaliyey ahaa in la raadiyo nabad waarta oo laga gaadho dhibta soojireenka ah ee wadanka ka jirta ilaa maalintii ay Itoobiya gacanta ku dhigtay wadanka Ogaadeenya ayaa weli tubta haya iyada oo looga gol lahaa sidii wadahadal loogu qalqaalin lahaa ONLF iyo Itoobiya ayaa waxa ay isugu biyo shubteen sida ay odayadu caddeeyeen in dhamaan dadka Ogaadeenya yahay isku mid isla markaana ay shacabka Ogaadeenya raali ka yihiin taagersan yihiina dhaqdhaqaada duqeydani ay wadaan arintaasi oo dhabar jab ku noqotay qorshihii Malas watay ee ahayd in uu iska horgeeyo dadka wada dhashay ee shacabka Somalida Ogaadeenya.

Balse ay shacabka Ogaadeenya ka raaceen danahooda iyaga oo og dhibaatad wadanka ka jirta iyo sida aysan qabiil kali ah gaar ugu ahayn ayse tahay mid haysata dhamaan dadka wadankan.

Hadaba kadib markii uu Malas ku guuldaraystay talaabadaas khayaamada ah ayaa waxa uu ku qasbanaaday maadaama uu xili adag ku jiro inuu ogolaado soojeedintii odayada ee ahayd in ay Itoobiya hadii ay nabad diyaar u tahay wada hadal la biloowdo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya, arintaasi oo uu Malas ku dhawaaqay.

Hadaba si loo hubiyo in uu si wanaagsan uga qabsoomo arinkani ayaa waxa ay odayada Ogaadeenya sii wadayaan in ay la gudhiyaan sheegashada Malas Sanaawi ee ah in uu diyaar u yahay wada hadal, dadkana ay ka dhaadhiciyaan in ay dhankooda diyaar uga ahaadaan in ay fahmaan halka sartu ka qudhunsan tahay.

Dhanka kalana wada hadalkan la rajaynayo in ay yeeshaan Itoobiya iyo ONLF oo aan ilaa hada wax danbe laga hayn aan ahayn waan la galaynaa wada hadal ONLF ayaa ku qabsoomi kara oo keli ah hadii lagu qabto wadan sadexaad oo dhexdhexaad ka ah arinta Ogaadeenya iyo Itoobiya.

Hadaba odayadan ayaa waxa aan ugu hanbalyayn udiyaar ahaantooda in wadanka Ogaadeenya nabad ka dhalato,waxaanan uga digi in aysan jahawareer ku abuurin shacabka Ogaadeenya iyaga oo aan hubin udiyaar ahaanshaha Itoobiya ee nabadeed, maadaama ay sidaan horay uga baranay odhan karaan ONLF waa inaad ciidanka soo diwaangelisaan qoryahana aad sida ugu dhaqasaha badan ugu soo wareejisaan xeryaha ciidanka, taasi oo xataa hadii ay ONLF yeeli lahayd uunaan maanta shacabka Ogaadeenya yeeleenba.

Sidoo kalena waxaan shacabka uga digayaa in ay iska jiraan wejiga labaad ee ujeedada Malas Sanaawi taasi oo ah in uu iska horgeeyo shacabka iyo odayada, odayada iyo ONLF iyo shacaka iyo ONLF, iyada oo ay kamid tahay dhawaaqa Malas Sanaawi ee uu ku baaqay wada hadal in uu shacabka Ogaadeenya ugu sheekeeyo ONLF ayaa wada hadal iga diidan iyo nabadda ayay hortaagan yihiin, marka kusoo dhowoow nin walboow nalaga arag nabadiidka.

Waxaan anaga oo xidhan dharka calanka Ogaadeenya duqayda kasoo sagootinaynayaa garoonka Adhis ababa waxaanaku soo dhawaynayaa kan London.