GABAY JAWAAB AH:- Dekadii Kismaayood Waxaa tiriyey Abwaan Maxamed C/qaadir Daa`uud (Stanza).
Posted Oct 6, 2006 by Guhad

SAHROOY: waxaa tiriyey Abwaanka Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).Kismaayo, J/Hoose Oct. 6, 06: Gabaygan la magacbaxay Dakaddii Kismaayood soona baxay 10/05/2006, wuxuu jawaab u yahay deelqaafki iyo diiwaanna-xadkii lagu soo dhanjeexay gabayadii rayidka (Gubo) ee ay beesha Marreexaan ku durqumeen Ogaadeenka, ayagoo sheegay iney Abshir Bacadle  u jawaabayeen balse aflagaaddo qayaxan Ogaadeen u geystay.

 

Waa nasiibdarro weyn in lagu kaca "plagiarism" waxa lagu yiraahda afka Englishka adoo abwaannimo sheeganaya ood waliba qabiil aad dulantay aad ku digataa.

Si kastaba ha ahaatee, anigoo aad u neceb qabyaaladda iyo qabiil caayga, waa waajib diini ah inaan tolkey difaaca marba haddii laygu soo duulay, lay dulmay oo haddana lay durqumay. Haddaba waakan gabaygii Dakaddii Kismaayood waxaana tiriyey anigoo ah Abwaanka da'da yar ee loo yaqaan Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).

Jawaabtaydu waa tan:

Wiilyahow is-daadraaciyee, daahay magaciisa.
Maansadaadu waa daacaqurun, ma aha deelleeye.
Dagaal baan abaabuli misane, waan ku daba dhuuman.
Dubaaqaagu see kuugu diray, waa daciifnimo e?

Abshirkaad ku digateed durqumi, waa nin daahirane.
Ma daboolin magaciisa oo, diirka ka caddeeye.
Dammiirlaawe diiwaanna-xade, gabayga deelqaafshe.
Fuleynimo daraaddeed maxaa, boodhka kugu duugay?

Caligeriga daantaa dagiyo, diisha iyo hawdka.
Habaryuunistaan dariska nahay, Doollo dhinaceeda.
Nimankaan ku darandoorrin lahaa, iima duurxuline.
Inaan adiga dood kuu ceshaa, waa dabbaalnimo e.

OGAADEEN inaad doqon tiraah, doowdarnimo taase.
Waa daahfur ceebeed inaad, beeli dulantaaye.
Dayuus liita waa lagu ogaa, damaca beenaade.
Ka dabbaala dabinkaad gashiyo, daxalka aad qooshtay.

Duud ahaan Marreexaan hadduu, maanso wada diiqay.
Dakaddii Kismaayood hadduu, daakirada saaray.
Waa diiradgaabnimo inaad, diricyo maagtaane.
Dalawada dammeerkii didshaa, duufsan qaayaha e.

Doolaala adigoo ku yimid, dagalka ciiddeyda.
Adoo deyn ammaah iga qabiyo, wiilal wada doora.
Inaad laaxin ii soo dirtaa, waa dayuusnimo e.

Dakanooyin adigaa ka qaba, Dir iyo Daaroode.
Maalintaad dareyskiyo xidhneyd, dawlad sharafkeeda.
Duulki shacabka Soomaaliyeed, diirtay baa tahaye.
Ninki qaranki weynaa dunshee, daabulaa tahaye.

Adigaa diyaarada la dhacay, duubab iyo sheekhe.
Isaaq daannadaad taaratuu, dibinta ruugaaye.
Daarihii Hargeysaad ninkii, soo dunshaa tahaye.
Daarood Ismaaciil ninkii, deyn gashaa tahaye.

Habargidir ninkii deegdhabee, daashadaa tahaye.
Indhabuur ninkii dilay abwaan, doorran baa tahaye.
Digil Mirifle adigaa ka dhigay, daaddun iyo ceydhe.
Dabgalladi Majeerteen ninkii, daaqay baa tahaye.

Nindoorradi Abgaal baa dishoo, waana kugu deyne.
Adaa daris-wadaag iyo inkiray, daaqsin iyo foofe.
Doqonyahow inaad gabayda waa, doona malaggaaye.
Sow ma tihid ninkii nagu dafiray, magaca Daaroodka?

Dabkaad oogtay waa digohulaaq, dogobbadiisiiye.
Danwadaag waqeen meynan noqon, dirirna noo tiile.
Deegaanku deegaan Absamooy, cidi ka doodeyne.
Wuxuu daallanaadaba tolkey, waa ul iyo diire.

Halyeeyadi ku daandaamin jiray, wey dirdhamayaane.
Dagaal baan u heenseysannahay, hub iyo duullaane.
Baardheere guluf baan duldhigi, toban daqiiqoode.
Faafaxdhuun dan baad ooga baqan, Diilharoo idile.

Halkaan daaqi jiray wey ku dhali, Dalab hasheydiiye.
Daas iyo Harboolana mar waa, laysku dacareyne.
Dooyada Wariir baad ka noqon, deero garanuuge.
Sidaan kuu darbeyn waa taqaan, dirir colaadeede.

Isku duuban diiriga Absame, deeq Ilaah badane.
In digaag huruufaa ma aha, daafullaha aare.
Waa dabakanaax sheekadii, dulucda ceynkaase.
Dib u eeg malkaad daadisiyo, malaxda aad daacday.

Daaroodku kaa been Wallaad, igu dageyn jeere.
Dangiyahow adaa dool ku yimid, oo na daansadaye.
OGAADEEN inaad duufsan karin, wayska dayaxaase.
Waad daaci dahabkaad xaddiyo, malabki Dooxaade..